Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay waqtiga dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorrada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u bilaabi doonto bixinta Baasaboorka, oo muddo aan la bixin sababo la xiriira cudurka Coranavirus oo dalka ku soo laba kacleeyay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelisay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 4 april, 2021, dib loo bilaabi doono howlihii bixinta Baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa tilmaantay in xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%).

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u xayirnaa qaadashada baasaboorada oo la xayiray muddo badan.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda 

TY-696x985-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this