Sign in to follow this  
Deeq A.

Saacad lagu dhici waayey in la xaraasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacad lagu dhici waayey in la xaraasho

saacadda xaraashkeeda laga noqday
saacadda xaraashkeeda laga noqday

Saacad la siiyey askartii cagta marisay mudaharaadkii Tiananmen Square ee ka dhacay magaalada Beijing sannadkii 1989 oo xaraash loo soo bandhigay ayaa hanjabaado loo soo diray ciddii xaraashaysay awgeed looga noqday xaraashkaas.

Shirkadda xaraashka ee Fellows la yidhaa ayaa sheegtay in saacaddaas oo ay ku xardhan tahay “89.6 Xuska soo Afjariddii Fallaagonimada” in qofkii xaraashayey uu la noqday.

Hanjabaada waxa loo mariyey baraha bulshada waxaanay keentay in qofkii saacadda iibi is lahaa lafahiisa u baqdo, ayay tidhi shirkadda Fellows.

Shirkaddu waxay sidoo kale aaminsan tahay in saacaddaasi haatan “xiise heer caalami ah yeelatay”.

Shirkadda Fellows oo xarunteedu tahay Birmingham ayaa sheegtay in saacaddaa la siiyey askari ka tirsanaa ciidamada qalabka Sida ee Shiinah oo ay siiyeen gudida xisbiga shuuciga ah iyo dawladda hoose ee magaalada Beijin.

“Xogta aanu haynaa waxay tahay in qofka xaraashayey saacaddu aanu wax xidhiidh ah la lahayn ciidamada Shiinaha iyo dawladda Shiinaha toona” ayay tidhi shirkadda xaraashka ee Fellows.

.
 
.
.

Mudaharaadka waagaa ka dhacay Beijing markii dambe gacan bir ah ayay xukuumaddu ku qabatay iyada oo ay markaa waday isbedello dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah, xogo kala duwan ayaana laga sheegayaa tirada dadkii lagu dilay.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay dadkii bannaan baxa ka dhigayey fagaarahaa caaka ah, waxaana sawir xusuus noqday laga hayaa nin keligii u soo ban baxay kaare, sawirkaasina wuxuu noqday sawirradii qarnigii 20 loogu xusuusta badnaa.

Shirkadda xaraashku waxay sidoo kale aaminsan tahay in saacaddaas haatan “xiise heer caalami ah yeelatay”oo ay dadka xasuusinayso dhacdadii Juun 1989.

“Hore waanu u xaraashnay bilado lagu qaatay dagaalladii dunida ka dhacay, fargal lagu xusay dilkii boqor Charles I iyo saacado ay lahaan jireen maxaabiis dagaal”, ayuu yidhi af-hayeen u hadaly shirkaddu.

Waxaanu intaa ku daray “anaga nooma furma inaan wax ka nidhaa dhacdooyinkii waayo hore dhacay. Waxa muhiimka noo ahi waa in aanu muujino dhacdooyin taariikheed oo aanu si haboon oo tixgalin iyo eex la’aan ah u soo bandhigno.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this