Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo qayb ka noqonaysa kulan ay iskusoo khasbeen Madaxda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu caawa shaaciyey inuu shir isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada hadana Xaqiiqda caawa Xamar ka jirta ayaa waxay tahay Beesha Caalamka oo wada olole ay khasab isugu keenayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya.

Kulankii uu Safiirka Sweden uu maanta la yeeshay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayuu u gudbiyey inay qayb ka noqdaan Kulan ay hada Bersha Caalamku Masuul ka tahay, halka James Swan uu la hadlay Madaxweyne Farmaajo, isaguna wuxuu Farmaajo ku casumay kulanka oo kasoo qayb galkiisu yahay sharuud la’aan dhinacyada oo dhan.

Madaxweynayaasha Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaawe iyana Way aqbaleen kulanka, wararka aan helayno waxay sheegayaan in kulankaan uu ka duwanaanayo Kulamadii hore oo ay Beesha Caalamku samayn wayn ay ku yeelan doonaan.

Mar walba oo New York uu ka dhaco Shir looga hadlayo Arimaha Soomaaliya wuxuu Madaxweyne Farmaajo caado ka dhigtay soo tuurida Casumaad lasoo mariyey Baraha Bulshada oo ku socota Maamul Goboleedyada, tasoo ay barteen Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliduba.

Kulankii maanta ay yeesheen Golaha Amaanku wuxuu ahaa Digniintii u dambaysay ee la siiyay Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandi.com Miqdisho

ECE6A701-8A96-4DF5-9970-55CD4556D238-732

The post Beesha Caalamka oo qayb ka noqonaysa kulan ay iskusoo khasbeen Madaxda Soomaaliya appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this