Deeq A. Posted April 1, 2021 Beled-Xaawo (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dishay nabaddoon caan ka ahaa degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, xili uu kasoo baxay masjid ku yaal degmadaasi. Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaashi Diiriye ayaa lala dhacay dhowr xabadood, una geeriyooday, rasaastuu lagu furay. Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka ka dhacay ee bartamaha Beled-Xaawo, xiligaasi oo nabaddoonka uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukuday salaadii cishaha. Ciidamo hubeysan ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, halkaasi oo ay baaritaano aan waxba kasoo kordhin ay ka fuliyeen. Nabaddoon Maxamed Xaashi Diiriye ayaa ka mid ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee laf-dhabarka u ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo. Dilka Nabadoonka ayaa kusoo beegantay xili degmada Beled-Xaawo ay xudun u noqotay muranka u dhaxeeya dowladda dhexe ee madaxdeeda mudo xileedka ka dhamaaday iyo maamulka Jubbaland, waxaana murankaasi uu sababay in ay daba dheeraado heshiis laga gaaro arrimaha doorashada Somalia. Share this post Link to post Share on other sites