Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo ka digtay dib u dhac markale ku yimaada doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqday inay heshiis ka gaaraan hannaanka doorashooyinka dalka ee soo socda.

Golaha oo warbixin gaar ah ka dhageystay ergayga gaarka ah QM ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in aysan markale dib u dhicin doorashooyinka.

Wakiilada golaha ammaanka ayaa xusay in horey loo lumiyey fursado ku aadan qaabka loo qabanayo doorashada Soomaaliya oo dib u dhac uu ku yimid, waxaana qorshaha uu ahaa in doorashada dalka ay qabsoonto 8 bishii February ee sannadkan 2021-ka oo ku ekeyd muddada xil-heynta ee madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyey in hanaanka ugu macquulsan ee doorashada ay noqon karto heshiiskii 17 september ee sannadkii hore ee 2020-kii..

Ugu dambeyn golaha ayaa bogaadiyey doorka ay ciidanka Midowga Afrika ka qaateen amniga iyo nabad-gelyadda dalka, iyadoo la filayo inay baxaan dhamaadka sanadkan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this