Deeq A. Posted April 1, 2021 Markab xamuul ah oo u raran shirkadda Ganacsiga Barwaaqo, ayaa sida la xaqiijiyay ku caaryay dekedda magaalada Boosaaso. Markabka waxa saaran Shamiito dhan shan kun oo Ton, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Ganacsiga ee Barwaaqo. Dekedda Boosaaso waxa haatan ka socda dadaal xooggan oo ku wajahan sidii rarka looga kala yarayn lahaa markabka, si dib loogu celiyo goobta loogu tala-galay in maraakiibku ku xirtaan ee dekedda. Wararku waxay sheegayaan in marinka gaadiidku ay u maraan dekedda Boosaaso ay ciid buuxisay, taasi oo sababtay in markabku ku caaryo dekedda. PUNTLAND POST The post Markab Ganacsi oo ku caaryay dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites