Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xildhibaanoow xaal qaado

Recommended Posts

Xildhibaan ku sheegaan Mahad Salaad lagu magacaabo qashinkaan qoraayo ila aqriska:

"SAAKAY MAXAA DHACAY. MAXAASE NALA GUDBOON?

Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay nagula celiyay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shirkii Golaha Shacabka. Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qaraabada ah oo sida la ii sheegay xalay la soo xulay, malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii wax dhacaan kuwa dhimanaya iyo kuwa laga dhimanayo isku iyaga ha noqdeen. Ciidamada kale Fahad iyo Farmaajo ku talagaleena waxaa la ii sheegay in ay dhoobnaayeen irida Madaxtooyada ilaa Villa Hargeysa oo ah Xarunta Golaha Shacabka!

Nasiib wanaag ciidamadii nala socday iyo kuwii meesha aan ugu nimid dad qaraabo ah oo isgaranaya ayay ahaayeen. Saraakiishii ciidamadaas watay waa noo yimaadeen, mana rabo in aan ka faalloodo wixii ina dhex maray lkn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo, kuna amaano shaqada ay dalka u hayaan iyo fahamkooda ku aadan marxalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalku ku suganyahay.

Hadaan u soo laabto biyadhaca hadalkeyga markaan oo kale Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “NINKII LOWGA KAA GUBA XAGASHA AYAA LAGA GUBAA”. Rag aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa ee shirarka jaraa’id iyo sheekadaan aan dhamaadka lahayn inta la iska dhaafo, hayin hala noqdo ama heeryada Farmaajo hala iska dulqaado!"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.