Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo tixraaceysa war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Yemen  ayaa sheegtay in uu jiro xiriir iyo iskaashiga ka dhexeeya maleeshiyada Xuutiyiinta iyo ururada Daacish iyo Al Qaacidada.

Warku wuxuu intaa ku daray in maleeshiyada Xuuthiyiinta ay dhawaan  sii daayeen 252 oo maxaabiis Al-qaacida ah, iyo sidoo kale mid ka mid ah dadkii ka danbeeyay qorshaha weerarkii Markabkii USS Cole, taasoo muujineysa in Xuuthiyiinta ay xariir adag la leeyahiin Al Qaacidada.

Sido kale warbinta ayaa intaa ku dartay in 55 xubnood oo Al-qaacida ah oo ku sugan magaalada Sanca ay hoostagaan kooxda Xuutiyiinta.

Warbixinta ayaa muujisay in xiriirka Xuutiyiinta iyo ururada argagixisada uu gaarey heerkii ugu sareeyay, oo ay ka mid yahiin wada shaqeyn iyo xog isweydaarsi si loo wiiqo xasilloonida iyo midnimada shacabka Yaman.

Warqaddan ay Dawladda Yaman u gudbisay Golaha Amaanka ee Q.M, ayaa  ku taariikheysneed 30-ka bashan Maarso, kaa oo ka koobnaa 21 bog oo ku qoran saddex luqadood oo kala ahaa Carabi, Ingiriis iyo Faransiis.

PUNTLAND POST

The post Xuutiyiinta Yemen oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida iyo Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this