Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg Deg ah— Kulankii Wadatashiga oo la isla gartay inuu ka dhaco Afisyooni khamiista

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in la isla ogolaadey in lagu kulmo Afisyooni khamiista todobaadkaan ka dib markii Beesha Caalamku ay maanta la kulmeen Madaxda Dowlada Federaalka ee Wakhtigoodu dhamaadey.

Sida aan Xogta ku heyno Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku adkeystay in la isugu yimaado kulankii uu isaga ka bilaabay Afisyooni, Balse Beesha Caalamku waxay Raysal wasaaraha isla meel dhigeen in la isugu yimaado kulanka ay bilaabeen Shanta Madaxweyne.

Xogtu waxay kaloo sheegaysaa in Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu Raysal wasaaraha kula hadlay Luuqad kulul oo uu hoosta uga xariiqay in la joojiyo Qoraalada lidka ku ah Geedi socodka loogu diyaar garoobayo Shirka Wadatashiga,

Beesha Caalamku waxay damaanad qaadeen in Amaanka Shirka ay gacanta ku haynayaam Amisom.

Sida ka muuqata Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya wali Madaxweyne Farmaajo kuma qanacsanayn ka laakiin Waxaa lagu khasbay ka qaybgalka shir.

Puntlandi.com Muqdisho

Puntlandi-Breaking-news-center.jpg

The post War Deg Deg ah— Kulankii Wadatashiga oo la isla gartay inuu ka dhaco Afisyooni khamiista appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this