Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal iyo Lafta-gareen oo kulan la isugu keenay kadib khilaaf soo baxay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, oo muddooyinkii dambe lasoo warinayay inuu kala dhaxeeyo khilaaf.

Sida aan xogta ku helnay, kulankaan ayaa waxaa gadaal ka riixeysa oo soo qaban-qaabisay Villa Somalia, oo rabta in meesha laga saaro kala shakiga muddooyinkii dambe ka dhex taagna labada mas’uul oo ka dhashay qorshaha uu guddoonka golaha shacabka ku doonayo inuu mudo kororsi ugu sameeyo Farmaajo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay turxaan bixinta xiisada dhexdooda iyo sidii aysan saameyn ugu yeelen laheyn loolanka siyaasadeed ee taagan, kaasi oo maraya meeshii u sareysay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la rumeysan yahay inuu si cad uga soo horjeestay muddo kororsiga, taasi oo haddii ay dhacdo qalalaase weyn gelin karta dalka. Ma cadda haddii kulanka maanta uu fikrakiisa beddelay.

Waxaa kulankaan ka qeyb-galay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, oo aad ugu xiran Villa Somalia iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ayagu qeyb ka ah isu-soo dhaweynta labada mas’uul oo ku kala irdhoobay kala shaki maalmihii dambe soo kala dhex-galay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxay kamid yihiin mas’uuliyiinta la dhacsan hogaaminta madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee taageerada weyn u ah, waana sababta u weyn ee Villa Somalia isugu soo dhaweynayso, si meesha looga saaro khilaafka ka dhaxeeya, midaasi oo hoos u dhigeysa in labada mas’uul uu midkood ka baxo garabka Farmaajo.

Kulankaan ayaa imanaya xili uu hakad ku yimid wada-hadaladii gooni-goonida ahaa ee maalmihii u dambeeyay u socday madaxda dowlad goboleedyada, sidoo kalena waxa uu kusoo aadaya ayada oo maalinta berri ah uu kulan yeelanayo baarlamaanka, kaasi oo laga muujinayo walaac la xiriir in muddo kordhin la horgeeyo.
166987204_781710519132254_50895948470427 166985099_781710552465584_61118975993622 166985099_781710609132245_88641023541990 167496353_781710692465570_88611941146676 166462420_781710645798908_65174710612891 167080947_781710725798900_66760739438021 167228152_781710759132230_45004475241470 167517508_781710799132226_37953548865900

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this