Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xireysa dugsiyada cudurka Karoona awgii

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda waxbarashada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa shaacisay in bartamaha bisha soo socota muddo laba bilood ah la xirayo dugsiyada waxbarashada xilli uu deegaannadaas si ba’an ugu faafayo xanuunka Covid-19.

Kiisaska cudurkaas ee laga diiwaangeliyo Somaliland ayaa hadda ka badan kuwii bilihii la soo dhaafay.

Wasiirka waxbarashada wuxuu sheegay in laga bilaabo 13-ka bisha April la fasaxi doono dhammaan dugsiyada ku yaalla Somaliland.

Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli Somaliland uu fara ba’an ku haya cudurka Covid-19 iyo abaaro baahsan oo saameeyay howlaha waxbarashada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this