Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysl wasaaraha Itoobiya oo ku cadaadinaya Madaxweyne Farmaajo inuu Adis yimaado, Sababtu maxay tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka helayaan ilo Dublamaasiyadeed, Waxaa Adis Ababa ku sigan Wafdi ka socda Madaxweyne Farmaajo oo maalmahaanba ku mashquulsanaa Diyaarinta Heshiis qabyo ahaa oo ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki  iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Gudiyada ka socda Sadexda Dal ayaa hada diyaariyey dhamaystirka Heshiiskaas, waxaana lagu waday inay maanta oo Talaado ah ay Adis Ababa isugu yimaadaan Sadexda Madaxweyne si ay u saxiixaan Heshiiska, Laakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa baaqdey, waxaana jira warar sheegaya in ay Beesha Caalamku ay shalay u diideen inuu Madaxweynuhu uu ka baxo Muqdisho.

Raysal wasaarihii hore Cumar Cabdirshiid ayaa Xalay sheegay inuu ka digay Heshiiskaan oo uu xogtiisa helay, sababtoo ah wuxuu khatar weyn ku yahay Soomaaliya.

Heshiiskaan oo loogu Magac daray Iskaashiga Geeska Afrika waxaa ku hoos qarsoon qorshayaal ay ka mid yihiin in la iska kaashado Amaanka iyo Dhaqaalaha,

Maxay tahay Danta igu jirta Madaxweyneheena Farmaajo Heshiiskaan, Maxaase Itoobiya iyo Eritrea dan ah oo ugu jira Heshiiska

Heshiiskaan wuu soo daahay oo waxay ahayd in la saxiixo Bishii Novembar Sanadkii hore waxaana dib u dhigay Dagaalkii Tigrey-ga oo mashquuliyay Itoobiya.

Heshiiska wuxuu qorayaa in Sadexdaan hogaamiye kii u baahida awood Ciidan in laga caawiyo, waana meesha uu Danta ka arkay Madaxweyneheenu, tasoo macneheedu yahay in uu Madaxweyne Farmaajo helayo awood uu ku isticmaalo Ciidamada Itoobiya, Waana kawada dharagsanahay Sababta uu Madaxweyne Farmaajo u raadinayo isticmaalka Ciidamada Itoobiya,

Raysal wasaaraha Itoobiya wuxuu isna Heshiiskaan u saamaxayaa in Itoobiya ay qiimo aad u yar ku isticmaasho Dhamaan Dekadaha Soomaaliya, iyo in ay Itoobiya ay Saldhig Ciidan Badeed ka samaysato Dekada Hobyo iyo Berbera.

Madaxweynaha Eritrea wuxuu isagu isbtusay maadaama uusan saaxiibo badan uusan kunlahayn Caalamka inuu helo saaxiibtinimada Soomaaliya si uu ugu cadaadiyo Jabuuti oo Dagaal ka dhexeeyo, Heshiiskaan waxaa kamida qodob lagasoo maanguuriyay Heshiis Ciidameedka NETO ee ka dhexeeya Wadamada Reer Galbeedka + Turkiga, qodobkaasoo oranaya hadii wadan kamida NETO la soo weeraro waxaa lasoo weeraray dhamaan Wadamadaan, Heshiiska Geeska Afrikaan wuxuu ka dhigan yahay “ Hadii lasoo weeraro Eritrea waxaa lasoo weeraray Soomaaliya iyo Itoobiya”

Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa aad uga digay Heshiiskaan,laakiin Madaxweyne Farmaajo wuu ka dhaga adaygay walina wuxuu ku dhiiranayaa inuu saxiixo Heshiiskaas.

Puntlandi.com Garowe

FC52CE4F-9BFF-4F58-B7C4-4F2BA23BA811-750

The post Raysl wasaaraha Itoobiya oo ku cadaadinaya Madaxweyne Farmaajo inuu Adis yimaado, Sababtu maxay tahay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this