Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo isku dayay iney khaarijiyaan Moi Kibaki iyo Reila Odinga.

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya ayaa isku dayay sanadkii 2012 iney khaarijiyaan Madaxweynihii hore dalka Kenya Moi Kibaki iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee xiligaas Reila Odinga sida ay baahiyeen warbaahinta ugu afka dheer wadanka Kenya.

Wargeyska NATIONAL ayaa baahiyay in intii u dhaxeysay June iyo October sanadkaas la ogaaday in sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo aan magaciisa la shaacin uu booqashooyin ku tagayay magaalada Nyeri si uu dhaq-dhaqaaqa labada masuul ula socdo.

Wararka waxey intaas ku darayaan in Kenya ay arintaan u gudbisay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ bishii February si ay arintaan qeyb uga noqoto kiiska dacadda badda ee ay kula jireen Soomaaliya.

Warbixintaan oo lagu daabacay bogga hore ee jariidada Nation in saraakiisha Kenya ay ka hortageen shirqoolka Alshabaab ay damacsanayeen inay ku khaarijiyaan Moi Kibaki iyo Raila Odinga.

Dowladda Kenya ayaa ka dalbatay Maxkamada ICJ in galdacwadeedkeedi la eego waxaana ay ciwaan uga dhigtay shirqool lagu dili lahaa Madaxweynaha, Raisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya sanadkii 2012kii.

Warbixinta waxa ay leedahay waxaa suurta gal ah xitaa warbixinada Kenya ee Badda inay basaasseen kooxda Al Hijra ee xiriirka dhow la leh Al-shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this