Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo shir ku leh Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16170085043945243.jpg?resize=720%

Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa shir ku leh hotel Airport oo ku yaalla garoonkan diyaaradaha Muqdisho.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo wakiilada Beesha Caalamka sida Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo waliba safiirada Midowga Yurub iyo UK.

Shirka oo aan weli wax la isku afgartay ka soo bixin ayaa looga arrinsanayaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ka taagan yahay khilaaf u dhexeeya qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Madaxweynayaashad shanta shanta dowlad goboleed ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay lahaa shir gooni ah oo looga hadlayay khilaafka doorashada.

Beesha Caalamka ayaa ku dadaalaysa sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga ka tagaan doorashada Soomaaliya oo dib u dhacsan.

PUNTLAND POST

The post Dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo shir ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this