Deeq A. Posted March 29, 2021 Degmada xeraale ee waqoyiga gobalka Galgaduud ayaa malmahan dambe waxaa aad isugu soo tarayay dadka laga helayo caabuqa covid-19 . Iyadoo ay u,geeriyoden ku dhawaad 15 qof Xanuunka Maalmihii la soo dhaafay Gudaha Degmada Xeraale ee Gobalka Galgaduud . Wararka ay Goobjoog News Ka heleyso deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in dad badan oo ku dhaqan deegaanka uu xanuunka Saacadihii la soo dhaafay uu soo ritay . Degmada ayaa wajaheysa Xaalad Caafimaad xuma, iyadoo degmada aysan laheyn xarun caafimaad oo dadka uu soo rito Covid-19 lagula tacaalo , kadib markii December 2020-kii Adeegyari dhanka caafimaadka oo soo wajahday degmada loo xiray Isbitaalka Degmada . Isbitaalka weyn ee degmada ayaa horay waxaa gacanta ugu hayn jiray Hay’adda save the children, iyadoo December kadib aysan jirin cid la wareegta Gacan ku heynta Isbitaalka . Wariyayaasha GoobJoog U Jooga degmada ayaa sidoo kale soo wariyay in aysan jirin xarun caafimad oo lagu karantiilo dadka uu soo ridanayo Xanuunka , Sacaadihi lasoo dhafayna ay Oxygin la’aan ugu geeriyoodeen degmada dad badan . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites