Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii maanta ee BF Soomaaliya oo dib loo dhigay + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii xildhibaanada Baarlamaanka ee la qorsheeyay in maanta oo Isniin ah ay isugu yimaadaan ayaa dib loo dhigay illaa iyo maalinta Arbacada ah.

Fariin loodiray xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in maanta la baajiyey kulankaasi, islamarkaana uu qabsoomayo 31ka bishan oo ku beegan Arbacada

“Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dib u dhigistan ay ka dambeyso, kadib markii beesha caalamka ay cadaadis xoog leh saareen guddoomiyaha golaha shacabka & madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba kulankii u dambeeyey ee baarlamaanka ayaa lagu kala tegay, kadib markii ay buuq sameeyeen xildhibaano ka tirsan golaha oo tuhun ka muujiyey muddo kororsi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this