Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha barlamaanku waa baadil, kuma xadgudbi karo Xildhibaan la siman, matalaya bulsho ama deegaan, oo u xilsaaran ilaalinta danta qaranka. W/Q Dr. Maxamud M. Culusow

Recommended Posts

Deeq A.   

Madax sharcidarro ahi iyo sharcidarro midna looma hoggaansamayo.

Madax lagu dhaariyay ilaalinta dastuurka, sharciga, midnimada dadka, danta guud ee qaranka oo ku dhaqmeysa sharcidarro, musuqmaasuq, kibir, maquunin, daneysi, isla markaana rabta in inta diidan sharcidarradaas, dhibka sharcidarrada ku dhacayso ama tabanaya xadgudubka, mucaaradka ah, ay raacaan amarkooda iyo rabitaankooda ma garaadsan, waana qaldan yihiin, loomana hoggaansamayo. Farmajo wuxuu diidan yahay in Aqalka Sare jiro, ka mi yahay Barlamaanka Federaalka, sharci uusan wax ka ansixin uusan sharci aheyn. Sidaa darted, madaxnimada uu sheeganayo waa sharcidarro loomana hoggaansamayo.

Muwaadiniinta dhaladka ah lama dhaariyo, waajibaadkooda iyo xuquuqdooda dastuurka ayaa dhigaya. Madaxda waxaa loo dhaarinaya inay qaadaan mas’uuliyad dheeri ah oo lagu abaalmarinayo.

Waa damiir la’aan iyo khiyaano qaran in guddoon barlamaan oo og in muddo xileedkooda dhammaaday, lagu heshiiyay doorasho dadban, ex Madaxweyne farmajo iyo xilgaarsiiye RW Roble carqaladeynayaan fulinteeda, uu abuuro xasarad siyaasadeed oo 2 sano laga digayay, dadka iyo dalka Soomaaliyeed dhaxalsiinaya fashil iyo burbur. Waa guddoon mudan cambaareyn iyo kacdoon looga soo horjeedo ee aan loo kala harin.

Waxaa muhiim ah in inta goori goor tahay la garowsado in madaxda xilka ka dhammaaday ay dalka geliyeen marxalad laga gudbay in laga hadlo maxaa sharci ah maxaanse sharci aheyn ee muwaadin kasta ee Soomaaliyeed waajib ku tahay inuu u tabaabusheysto difaaca xaqiisa, xorriyadiisa, iyo karaamadiisa bani’aadannimo, muwaadinnimo oo uusan cid kale isku laheyn.

Waa dhici karta in xaaladdaas ka dhalato dhibaato, haseyeeshe dhibaatadu waa lama huran marka aad u fiirsato hadalka iyo ficillada Madaxda dooratay ku dhaqanka sharcidarrada iyo ku tumashada nidaamka dowladnimo. Dhib waa lama huraan haddii Madaxda xukunka haysa go’aansato in awoodda sharciga, dhaqaalaha, ciidanka, xiriirka caalamka, iyo warbaahinta dowladda u adeegsado hab ka baxsan tilmaamaha sharciga, dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada, ka taxadarka tuhun abuurka, ku xadgudubka ilaalinta xaqa muwaadiniinta, saamileyda siyaasadda, mas’uuliyadda Xildhibannada, mucaaradka, mabaadi’da daahfurnaanta, wadatashiga, xaqa la xisaabtanka, waxaan shaki ku jirin inay dhaceyso dhibaato cid kasta saameyneysa waayo ku takrifalka awoodda dowladda waxay horseed u tahay mustaqbal dilka muwaadiniinta, burburka wada noolanshaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ku kalsoonaan la’aanta dowladnimada iyo Madaxda.

Waa fadeexo in xildhibaannada Barlamaanka Federaalka tuhmaan hufnaanta, daahfurnaanta, iyo habraaca shaqo ee guddoonka Barlamaanka oo mas’uuliyaddooda koowaad tahay dhexdhexaadnimo, wargelin cad, ilaalin xuquuqda Xildhibaan kasta. Guddoomiyaha Barlamaanka oo matala 50,000 muwaadinin soomaali ah kama joojin karo ka qayb galka fadhiyada Xildhibaan matala 50,000 muwaadinin kale ee Soomaaliyeed haddii uusan raacin habraaca shaqada iyo go’aan qaadashada Barlamaanka oo saldhig u ah dhawrista ku dhaqanka dastuurka, sharciga, iyo xeer hoosaadka.

Waxaa intaa dheer oo ka muhimsan in Xildhibannada marna tuhmin daacadnimada Guddoonka, haddise Xildhibaanku tuhmo wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta ee uga hortagi karo waxyaabaha uu tuhunsan yahay ilaa ay ka caddaanayaan. Iskadaa Xildhibaannada, muwaadiniinta waxay xaq u yihiin inay ka hortaagan sharcidarrada dowladda ku kacayso ama la tuhunsan yahay inay ku kici doonto. Aqlabiyadda xaq uma lahan inay ka tallaabsado habraaca shaqo ee barlamaanka si ay ujeedadeeda u gaarto.

Ugu dambeyn, waxaa xusid mudan in ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka, sharciga, xeer hoosaadka, iyo habraaca shaqo iyo go’aan qaadasho aysan ku koobneyn cuskashada qodobbo dhowr ah, ee waxaa la fiirinaya duruufaha la marayo, dhammaan qodobbada aan la cuskan, mabaadi’da, ujeedada, himilada, la higsanayo oo ah dowlad wanaag. Haddii la waayo shardiga ah guddoon ka madax bannaan Madaxtooyada, raacaya habraaca shaqada barlamaanka oo lagu abuurayo daahfurnaanta, go’aan kasta ee Guddoonka BF waa baadil. Guddoomiye barlamaan caan ku noqday ku tumashada dastuurka, xeer hoosaadka, habraaca wanaagsan ee dowladnimo kuma xadgudbi karo Xildhibaan la siman, matalaya bulsho ama deegaan, u xilsaaran ilaalinta danta qaranka oo ka hortagaya sharcidarro dhici karta.

Mas’uuliyadda Xildhibaanka waa mid diini ah, siyaasadeed, sharci, nabadgelyo, sirdoon (intelligence), baaris ( investigation) dhaqaale, bulsho, iyo xiriir caalami. Barlamaanka federaalka waa asaaska dowladnimada Soomaaliya.

Dr. Maxamud M. Culusow

3591BA55-F6A9-4F8C-B0BA-A2E9DA0225AB-496

The post Guddoomiyaha barlamaanku waa baadil, kuma xadgudbi karo Xildhibaan la siman, matalaya bulsho ama deegaan, oo u xilsaaran ilaalinta danta qaranka. W/Q Dr. Maxamud M. Culusow appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this