Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen iyo danjiraha UK oo ka wada-hadlay doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin, doorashooyinka iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac gaar ahaan dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray dardar gelinta howlaha tababar ee UK ka waddo Koofur Galbeed iyo sidii loo labo jibaari lahaa shaqooyinkaas.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dowladda UK ugu mahad celiyay taageerada Soomaaliya ay siiso gaar ahaan dadaalada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa sheegtay in ay sii wadayaan tababarada iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka oo ay ka wadaan degaanada Koofur Galbeed.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka gaar ahaan doorashooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hor taagan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

165742982_780199592616680_90272340236438 165750143_780199445950028_16392464129631 165966376_780199485950024_65794651185515 165851948_780199625950010_74073153823527

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this