Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid taliyihii hore ee Asluubta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isuul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allah u naxariistee, taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday isbitaalka Ex-Digfeer ee Erdogan.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku dhignaa sidan;

Waxaan qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisii, gaar ahaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kana mid ahaa aas-aaseyaashii Ciidanka Asluubta Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

إنا لله وإنا إليه راجعون

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this