Deeq A. Posted March 28, 2021 Madaxweyne Bartiisa Facebook laga xidhay kadib markii uu sheegay in dawo dhaqameed lagu daweyn karo Karoona Nicolas Maduro Shirkadda Facebook ayaa xirtay bogga bartaas uu ku leeyahay madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro kaddib markii uu soo dhigay qoraal sheegayo in dawo dhaqameed ay daweyn karto cudurka Covid-19. Madaxweynaha ma uusan sheegin wax caddeyn ah oo ku saabsan arrintaas. Afahayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Nicolas Maduro in uu jebiyay xeerarka shirkadda ee ka hortagga wararka been abuurka ah ee ku saabsan cudurka Karoona. Bishii January ayay aheyd markii madaxweynaha Venezuela uu sheegay in nooc kamid ah dawo dhaqameedyada laga isticmaalo dalkaas ay daweyn karto cudurka Covid-19 balse dhakhaatiirta ayaa ku gacan seyray hadalkiisa. Facebook ayaa meesha ka saaray muuqaalka madaxweynaha uu ku sheegayo in dawo dhaqameedka lagu daweyn cudurka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites