Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato ka faa’idaystay Maal-gelinta Qardu Xasan Salaam Somali bank

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka faa’ideystay maalgalinta Qardu Xasan (free Microfinance) ee Salaam Somali Bank.

Wajiga labaad ee Barnaamijka Qardu Xasan ayaa horey looga sameeyay xaruumaha bangiga Salaam Somali bank oo ku yaalla Caasimadda iyo degmooyin dhowr ah oo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla.

Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Salaam Somali Bank ee Afgooye ayaa ganacsatada lagu wareejiyay lacago aan faa’ido laga rabin oo loogu tala galay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda.

Ganacsatada ka faa’ideystay maaligalinta Qardu Xasan, oo rag iyo dumar isugu jira ayaa uga mahadceliyay Salaam Somali Bank taageerada joogtada ah ay marwalba la garab taagan yihiin ganacsatada yar yar ee dalka.

Sida uu sheegay maamulka Bangiga, Barnamijak Qardu Xasanka waa mid loo sameeyay in lagu dhiira-geliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee leh riyooyinka iyo hal-abuurka inay ku kobciyaan ganacsigooda.

Maal-gelintan ayaa la gaarsiin doonaan dhamaan dalka, waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa sare u qaadista shaqa abuurka iyo dhaqaale dalka Soomaaliya oo hadda ku jira soo kabasho.

wll5 wiil2 wil2 wil4 wil47 wl7

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this