Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii maanta ee BF Soomaaliya oo fashil kusoo dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan ballaaran oo ay maanta lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kadib buuq hareeyey hoolka baarlamaanka.

Ajandaha kulankan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa saameynta ka dhalatay Covid-19, balse xildhibaanada qaar ayaa tuhun ka muujiyey inuu socdo qorshe muddo kordhin ah.

Sidoo kale xildhibaanada mucaaradka ayaa la sheegay in aysan saxiixin buugga is- xaadirinta ee xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Muuqaallo ay soo duubtay warbaahinta ayaa la arkayey xildhibaanada oo si aad ah buuqayo, kadib sawaxan hareeyey kulanka maanta oo ugu dambeyn baaqday.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this