Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdullaahi Maxamed Nuur: “Waxaan saaka BF ugu nimid 200 oo maleeshiyaad ah”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ayaa si adag uga hadlay wixii ka dhacay maanta xarunta golaha shacabka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii diidanaa in kalfadhiga laga furo ajande aan aheyn midkii loo sheegay xildhibaanada, ayada oo uu jiray qorshe muddo kororsi oo uu waday Mursal, sida ay sheegeen xildhibaanada qaar.

Xildhibaanka ayaa sheegay iney horey uga war heleen in ajandaha kulanka uu yahay muddo kororsi, inta aysan xarunta soo gaarin, balse markii ay yimaadeen xarunta ay ugu yimaadeen ciidamo uu maleeshiyaad ku tilmaamay, kuna sheegay iney kasoo goosteen Al-Shabaab, isagoo siiyay sifo ah iney yahiin kuwa loo tababaray kaliya iney dadka dilaan.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu ku hanjabay inuu berri keeni doono askar intaas ka badan, islamarkaana ay muuqato iney ka shaqeynayaan muddo kororsi aan geed loogu soo gamban, oo qasab ah.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamanka ayaa yiri “Sidaad arkeysaan maanta waxa Baarlamaanka ka dhacaya waa wax fowdo ah, ujeedka maanta kalfadhiga loo furayayna waxey aheyd in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday loo sameeyo muddo kororsi laba sano ah.”

“Horay waan u ogeyn balse waxey xaqiiqo noo noqotay markaan saakay barlamaanka ugu nimiday 200 maleeshiyaad ah oo intooda badan yahay kuwa asalkooda kasoo goostay Al-Shabaab, muddana ku jiray xerada Sarrindi oo hubeysan”

“Gudoomiyaha golaha shacabka waxaan weydiinay waxa ay yahiin askarta meesha ku jira, wuxuuna noo xaqiijiyay inuu askartaan uu isaga dalbaday, suurtagalna maahan ayadoo Covid19 laga hadlaayo in 200 askari oo hubeysan oo ah waliba kuwii loo tababaray dadka iney dilaan ah in halkaan lagu soo xareeyo,” ayuu yiri.

“Waxaan u sheegnay Gudoomiyaha in askartaan uu meesha ka saaro iyadoo aan ognahay waxa ay yahiin, wuxuuna noo sheegay inuu berri la imaan doono askar intaas ka badan, saaxiibadey muddo kororsiga ka shaqeynaya waxaan leenahay afartiina sano iimaansada, ilaahey iimaanka ha idin galiyo.”

HALKAAN AK DAAWO:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this