Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada BF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay saaka kulan xasaasi ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah mid aad isha loogu wada hayo ayaa lagu war-geliyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kadib farriin ka timid guddoonka golaha.

Ajandaha ayaa kulanka ee xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus oo mar labaad kusoo laba kacleeyey Soomaaliya.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar ay tuhun ka muujiyeen kulanka maanta, islamarkaana uu socdo ‘qorshe muddo kordhin ah’.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalkan ee sanadkan 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this