Deeq A. Posted March 27, 2021 Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu goor dhowayd ka dhacay qarax xooggan oo khasaare kala duwan gaystay. Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari nooca loo yaqaan Qooqanta ah oo marayay nawaaxiga Hoteelka lagu magacaabo Oriental sida laga soo xigtay goobjoogaal ku sugan aagga Hoteelkaas. Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaan weli faahfaahin laga helin balse sawiro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xooggan oo qaraxaas gaarsiiyay gaariga lala eegtay. Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan sidoo kale weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxa. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites