Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu goor dhowayd ka dhacay qarax xooggan oo khasaare kala duwan gaystay.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari nooca loo yaqaan Qooqanta ah oo marayay nawaaxiga Hoteelka lagu magacaabo Oriental sida laga soo xigtay goobjoogaal ku sugan aagga Hoteelkaas.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaan weli faahfaahin laga helin balse sawiro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xooggan oo qaraxaas gaarsiiyay gaariga lala eegtay.

Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan sidoo kale weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

PUNTLAND POST

The post Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this