Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ingiriiska oo si adag ula hadashay Hogaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyada UK, ayaa si adag uga hadashay muranka ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, ee ka dhex taagan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Dowladda Ingiriisku waxay ugu baaqday hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya, in ay isu’gu yimaadaan shir deg deg ah oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo waafaqsan Heshiiskii 17-kii September ee Muqdisho iyo Isfahamkii 16-kii February lagu gaaray magaalada Baydhaba.

Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay in aysan marnaba taageeri doonin doorasho hal dhinac ah, mid isbarbar socota iyo mudda kordhin loo sameeyo Golayaasha dowladda Federaalka ee haatan jira.

Warka ka soo baxay UK ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor uga digtay Beesha Caalamka in ay fara-gelin ku sameeyaan Arrimaha doorashooyinka dalka, kadib markii ay qoraallo kulul soo saareen qaar kamid ah safiirada Shisheeye.

INGIRIIS.png?resize=611%2C293&ssl=1

PUNTLANDPOST

The post Dowladda Ingiriiska oo si adag ula hadashay Hogaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this