Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo sheegtay iney tarxiili doonto Soomaalida ku nool dalkeeda+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowladda Kenya oo sheegtay iney tarxiili doonto Soomaalida ku nool dalkeeda
 2021326637523530020887328.jpg

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay iney dalkeeda kasoo tarxiili doonto Soomaalida ku nool gaar ahaan kuwa aanan haysan sharciga dalka Kenya.

Waxay sidoo kale sheegtay dowladda Kenya iney si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakisan yahay argagixisada kuwaas oo aay sheegtay iney kala wareegi doonto hantidooda.

Hadalkan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa imaanaya xili maalin ka hor ayay aheyd markii Kenya aay ku dhawaaqday iney xereyso dhamaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalkeeda oo aay Hay’adda UNHCR aay u qabatay muddo 14 cisho iney ku xirto xeryahaasi oo aay ku nool yihiin boqolaal Soomaali ah.

Isku soo wada duuduubo arrimahan Kenya aay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkeeda ayaa imaanaya xili Kenya aay ku guul dareysatay ka qeybgalka dhageysiga kiiskii Dacwada Badda Soomaaliya ee murunka galisay dowladda Kenya.

Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujinaya khilaafka cirga isku sii shareeraya ee ka dhaxeeya dowladaha kenya iyo Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this