Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xukunno ku riday doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda derejada kowaad ee Gobolka Gardafuu (Puntland), ayaa xukunno kala duwan ku ridday doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay waddanka Yemen, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Puntland.

Doonyaha oo saddex ahaa, ayaa laba kamid ah lagu riday ganaax lacageed, kadib markii lagu helay kalluumaysi sharci-darro ah, halka tan saddexaadna wax danbi ah lagu waayay ,islamarkaana dib loo fasaxay.

Labada doonyood oo kala ah: Al-Dayaa iyo Al-Lascaa ayaa tan kowaad lagu ganaaxay $9 kun oo Dollar, halka tan labaad lagu ganaaxay $8 kun oo Dollar. Doonta saddexaad oo lagu magacaabo Al-Hilaal ayaa wax danbi ah lagu waayay.

Sidoo kale, kalluunka saaran doonyaha Al-Dayaa iyo Al-Lascaa ayaa maxkamaddu xukuntay in dowladdu la wareegto maadaama si sharci-darro ah lagu soo jillaabtay kallunkaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xukunno ku riday doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this