Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Maamul Goboleedyada oo Shirkoodu sii socon doona beri oo sabti ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa Xalay u bilowdey Kulan loogu gogol xaarayo Ajandaha Shirka Watashiga Dooradhada ee ka furmi doona Afisyooni.

Kulankii Xalay waxaa looga dooday Qodobada hortaagan Heshiiskii 17 Sebtembar qaabka looga dhigi karo Ajandaha Shirka, waxayna Madaxdu ay durba iska ilaaween wixii khilaaf ah ama lakala tabanayo, taasna Way isla garteen iyagoo ku balamay in la iska ilaaliyo Waxwalba oo horseedi kara khilaaf.

Madaxda Maamul Goboleedyadu waxay Xalay muujiyeen inay ka go’antahay in ay Dalka ka dhacdo Doorasho heshiis lagu wada yahay.

Kulanka Xalay oo bilow ahaa waxaa la isugusoo laabanayaa Sabtida.

Saameynta Madaxweyne Farmaajo ee kulankaan

Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey kuma qanacsanayn Shirka, wuxuuna shalay isku dayay inuu horb staago Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, laakiin Beesha Caalamka ayaa sigaara u cadaadisay xubnahaan si ay Shirka u yimaadaan, Wayna aqbaleen,

Aqbalaadaas ka dib Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbadey in Shirka laga dhigo Jamcada (maanta ahayd) Laguna qabto Teendhada Afisyooni, inkastoo Beesha Caalamku ay dalabkaas soo dhaweeyeen hadana waxaa diidey Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo ku adkeystay in kulanku uu ka dhaco meeshii loo qorsheeyay oo ahayd Hoolka Hotel ku yaal Garoonka diyaaradaha, saas ayayna noqotay aakhirkii, Madaxweyne Farmaajo mar Sadexaad ayuu isku dey sameeyey wuxuuna Dalbadey in Laba Wasiir oo isaga matalaya ay Shirka ka qayb noqdaan, Taasna intaan Deni iyo Axmed Madoobe la gaarin waxaa is hortaagay oo diiday Beesha Caalamka iyagoo ku adkeystay in kulanku uu dhexmarayo oo qura Shantaan Madaxweyne. Madaxweyne Farmaajo ma harin oo markay Sadexdii Madaxweyne ay u dhaqaaqeen dhankaas iyo Xalane wuxuu kasoo daba tuuray warqad uu leeyahay sidaan “ Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug Ayaan u direy Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ay ugu soo qanciyaan inay kasoo qaybgalayaan Shirka ka socda Afisyooni”.

isjiidjiidkaan ayaa keenay in Xalay uu Shirku bilowdo, qorshuhu wuxuu ahaa in uu Shirku bilowdo maalinimadii shalay ahayd.

halkaas ayuu xaalku marayaa hada.

Puntlandi.com Muqdisho

ECE6A701-8A96-4DF5-9970-55CD4556D238-732

The post Madaxda Maamul Goboleedyada oo Shirkoodu sii socon doona beri oo sabti ah appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this