Deeq A. Posted March 26, 2021 Qoraal lagu daabacay barta Twitter ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye. Dowladda Shiinuhu waxay caddaysay in ay ixtiraamayso madaxbanaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh. View the full article Share this post Link to post Share on other sites