Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha booliska iyo danjiraha UK oo ka wada-hadlay amniga doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, sareeyo gaas Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay sugidda amniga doorashooyinka oo ciidanka booliiska lafdhabar u yihiin nabadgeliyadda wadanka iyo xoojinta taageerada UK ay siiso booliiska.

Labada mas’uul ayaa kulan ku yeeshay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho, danjiraha ayaa bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka booliiska.

Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka taageerada dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ku jiraan hey’adaha nabadgeliyada oo booliisku ugu horeeyo.

ExWqKrGXECwi_SM.jpg ExWqKrUUUAEop8B.jpg ExWqKq-WQAcIYbH.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this