Sign in to follow this  
Deeq A.

 Carab 21 jira oo loo qabtay weerarkii 10-ka ruux lagu dilay dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

 Carab 21 jira oo loo qabtay weerarkii 10-ka ruux lagu dilay dalka Mareykanka

 dil-1-300x200.jpg

Booliska gobolka Colorado ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo magaca nin asal ahaan carab ah kaas oo lagu eedeynayo in uu ka dambeeyo weerarkii habeen hore lagu qaaday suuq ama dukaan lagu magacaabo King Soopers oo magaalada Boulder ku yaal.

Ninkan oo ay boolisku ku dhaaweceen howlgalkii lagu soo qabanayay ayay magaciisa ku sheegeen Ahmad Al Aliwi Alissa, waana 21 jir.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu qoriga uu falka weerarka ah ku geystay iyo rasaastiisa uu iibsaday lix beri ka hor weerarka, waxaana sidoo kale hub kale ay booliska ka heleen gurigiisa oo baadhis lagu sameeyay.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay nin boolis ah oo kusoo baxay weerarka kaas oo lagu magacaabay lagu magacaabay Eric Talley.

Qof ka bad-baaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkayay nin hubeysan oo dukaanka bannaankiisa rasaas kasoo bilaabay, islamarkaana lasoo galay gudaha dukaanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this