Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee Janan loogu soo dhoweeyey degmada Beledxaawo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa galabta gaaray degmada Beledxaawo, kadib heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaalya, maamulka gobolka Gedo iyo shacabka reer Beledxaawo ayaa ku soo dhoweeyay Janan gudaha degmada Beledxaawo oo ay horey ugu dagaalameen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Janan ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis rasmi ah la galay dowladda Soomaaliya, kadib wada-hadallo uu la yeeshay saraakiil ka tirsan hay’adda NISA.

Sidoo kale Saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda Nabad-sugida Qaranka ayaa la sheegay in ay u tageen gobolka Gedo dhameystirka heshiiska iyo soo dhoweynta Janan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Janan202132463752176745731384820213246375217678174204002021324637521766963121642

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this