Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah ciidamadaasi waxaa lagula beegsaday deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxyada, kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxaana ay shaacisay in qaraxyadaasi ay ku gubtay labo gaari oo ay lahaayeen ciidamada AMISOM.

Xaaladda goobaha ay qaraxyada ka dhaceen ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada AMISOM ay sii wateen socdaalkooda,kadib qaraxyadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this