Deeq A. Posted March 24, 2021 (SLT-Kismaayo)-Warqad kasoo baxday madaxweynaha Jubaland ayaa xilka lagaga qaaday wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan. Jubaland kama hadlin sababta xilka ka qaadista loogu sameeyay Janan. Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli Cabdirashiid Janan iyo dowladda federaalka uu u socdo wadahadallo. CabdirashidJanan ayaa shalay xaqiijiyay in wadahadallo uu u socda isaga iyo dowladda Soomaaliya balse wax heshiis aanan weli la gaadhin. Source Share this post Link to post Share on other sites