Deeq A. Posted March 24, 2021 Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa goordhaw xilkii ka qaaday wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan . Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweeynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in xilkii wasiirka Amniga laga qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinur Janan . Wasiir Janan ayaa mudda dheer waxa uu soo ahaa wasiirka Amniga Jubbaland , isaga oo si aad ah uga aragti duwana dowladda Federaalka . Saacadihi la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in wada hadalo uu u socdo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Federaalka. Janan ayeey horay dowladda u xirtay iyadoo sheegtay in uu dambiyo dagaal iyo gabood falo bini’aadanimo ka geeystay gobalka Gedo, isagoo markii Dambe ka baxsaday Xabsiga . Dhowr bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada uu hogaaminayo Janan ay magaalada Beledxaawo dagaal kula galeen ciidamada dowladda Federaalka . Hoos Ka Akhriso Wareegatada Xil ka qaadista Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites