Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalyahanada Al-Shabaab oo weerar ka fuliyey gudaha Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar loo adeegsaday qarax miino ay ku qaadeen dhismaha darbiga ay Kenya ka wado xadka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Kenya ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday hal ruux, kadib markii gaari ay wateen madax ka tirsan mashruuca dhismaha darbiga lala bartilmaameedsaday miinada dhulka lagu aaso

Guddoomiyaha maamulka Lamu Irungu Macharia ayaa xusay in gaariga qaraxa la haleelay uu ka tegay magaalada Kiunga, kuna sii jeeday xerada Usalaama.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kaaliyihii gaariga uu halkaasi ku geeriyooday, halka wadahiina uu ka baxsaday, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray.

Gudoomiyaha ayaa xusay in goobtaasi la geeyay ciidamo ka tirsan ammaanka si ay u xaqiijiyaan badqabka shaqaalaha dhismaha derbiga Kenya ay hore ugu bilowday xadka ay la wadaagto somaliya

 

Al-Shabaab ayaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay weeraro khasaare geystay ku qaaday dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhaw xaduudka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this