Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday Cabdirashiid Janan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16165655790297507.jpg?resize=714%

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xilkii ka qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) o ahaa wasiirkii amniga Jubaland.

“Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland wuxuu xilka qaadis ku sameeyay mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii amniga Jubaland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Xilka qaadista Cabdirashiid Janan ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu soo ifbaxay wadahadal u socda dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa muddo ciidamo ku haysta xadka Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna halkaas dagaalo kula galay dowladda federaalka.

FB_IMG_16165638854568025.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday Cabdirashiid Janan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this