Sign in to follow this  
Deeq A.

IGAD oo war kasoo saartay khilaafka doorashooyinka Soomalaiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyada oo walaac looga muujiyey khilaafka ka taagan doorashooyinka.

“IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, loona sii xoojiyo ismari waaga siyaasadeed ee hada jira,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD.

Sidoo kale IGAD ayaa ku boorisay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan dhabaha wadahadalka oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan isku tanaasul, iyadoo la tixgelinayo danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Danaha dadka Soomaaliyeed ayaa weli ah kuwa ugu muhiimsan, hoggaanka Soomaaliyeed-na waa inuu ka dhabeeyaa himillada shacabka ee ah in la helo doorasho nabdoon, loo wada dhanyahay, xor ah, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Urur goboleedka IGAD.

Si kastaba beesha caalamka ayaa wada dadaallo aan kala joogsi laheyn, si heshiis guud ay doorashada uga gaaraan madaxda Soomaaliya, waxayna xubnaha beesha caalamku maalmihii iyo saacadihii la soo dhaafay soo saareen qoraalo canaan iyo tilmaamo isugu jiray.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this