Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah: Axmed Madoobe oo xil ka qaadis ku sameeyey JANAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey xilka qaadista lagu sameeyey Janan oo ciidamo ku heyso duleedka Beledxaawo.

“MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Digreetada xilka qaadista ee uu soo saaray madaxweynaha Jubbaland laguma caddeyn sababta xilka looga qaaday wasiir Janan oo ka mid ah wasiirada u dhowaa A/Madoobe.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, saacado kadib markii uu soo shaac-baxay wada-hadal u socda dowladda dhexe iyo Janan, kadib markii wakiilo ka socda labada dhinac ay yeesheen kulamo lagu heshiisiinayo dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan.

Si kastaba tallaabadan ayaa uga sii dareyso khilaafka u dhexeeyey Jubbaland iyo dowladda federaalka, iyada oo Axmed Madoobe uu weyn doono guud ahaan gobolka Gedo, haddii uu si rasmi ah Janan ula heshiiyo dowladda, una soo wareego dhankeeda.

164572542_2011056942368530_2300799501517

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this