Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: BIIXI oo qaatay tallaalkii ugu horreeyey ee COVID-19 ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Covid-19 oo Somaliland ka bilowday, wuxuuna si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka Covid-19.

Munaasibadda Daah-furka ololaha tallaalka oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qeyb-galay madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaal guud, kuwaas oo dhammaantood qaatay tallaalka Covid-19.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay munaasibadan ayaa dhamaantood waxay bulshada ku booriyeen inay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan Aafada xanuunkani leeyahay iyo halista uu noloshooda u leeyahayba, sidoo kalena waxay shacabka ugu baaqeen inay u dhago nuglaadaan tallaabooyinka caafimaad.

Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay daah-furka tallaalka ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bilaabmay, laguna  saleeyey qaadashadiisa qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka u nugul cudurkaas.

“Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba,” ayuu yiri.

“Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdona malaha, marka lagu durayana dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh”.

Ugu dambeyntiina madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka Somaliland ku dardaaray qaadashada tallaalka, isaga oo meesha ka saaray cabsida laga muujinaya tallaalkaan oo toddobaadyadii u dambeeyay soo gaaray dalka.

164224746_3760093830771109_5116100203558 163887504_3760093844104441_4397586908780 164369337_3760093840771108_6611449179040 164402496_3760094124104413_2356962276653 164563081_3760094204104405_5434665910713 163743310_3760094284104397_1692467068721

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this