Sign in to follow this  
Deeq A.

Biden oo Ergay Cusub u Magacaabaya Dalal ay Ku Jirto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka cusub ee madaxweynaha Mareykanka  Biden  ayaa la filayaa inuu sarkaal hore oo ka tirsanaa qaramada midoobey u magacaabo ergeygiisa geeska Afrika. Jagadan cusub ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in lagu xaliyo qalalaasaha ka jira Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

Jeffrey Feltman, oo horay u ahaa sarkaal sare oo la taliye u ahaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa jagadan loo bandhigay.

Haddii la magacaabo, waxaa lagu wadaa Jeffrey Feltman uu wax ka qabto xasuuqa ka socda gobolka Tigeyga iyo guud ahaan dhibaatooyinka ka socda geeska Afrika.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this