Deeq A. Posted March 23, 2021 War Saxaafadeed kooban oo xafiiska Qaramada Midoobay ee Unsom uu soo saaray ayaa lagu sheegay in ay ka warhayso kulanka shalay ka dhacay Afisyoono ee ahaa hordhaca. “Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob joog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka;” sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu baaqay in la sii wado kulamadan gaar gaarka ah. “Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo kasoo qaybgalkii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September.” Shirka Afisyooni oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka 2021-ka, waxaana ka qeyb-galaya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites