Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar 10 ruux lagu dilay oo ka dhacay  dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Weerar 10 ruux lagu dilay oo ka dhacay  dalka Maraykanka

 pol.jpg

Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay nin boolis ah oo kusoo baxay weerarka kaas oo ka dhacay dukaan Supermarket ah oo ku yaal gobolka Colorado ee dalkaasi Mareykanka xalay saqdii dhexe, xilliga Afrika.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska ayaa waxaa ay dhacdadani ka dhacday dukaan lagu magacaabo King Soopers oo magaalada Boulder ee gobolka Colorado ku yaal, waxaana uu intaasi ku daray in ay iminka wadaan aqoonsiga dadka ku dhintay weerarkaasi.

Nin boolis xaafadda ah ayaa ka mid ah dadka goobta ku geeriyooday, waxaana lagu magacaabay Eric Talley.

Ruux rag ah oo weerarkan lagu tuhunsan yahay ayay boolisku dhaawaceen, waxaana lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaalada magaalada.

Wali lama sheegin ujeedka ka dambeeya weerarkan, balse waxa ay boolisku wadaan baadhis ku aadan arrintaasi.

Qof ka bad-baaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkayay nin hubeysan oo dukaanka soo galay kaas oo aan isgoo qofna aan la hadlin xabado bilaabay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this