Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Lageeyay Gedo oo bilaabay ugaarsiga taageerayaasha Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ay Dowlada Federaalku ay dhawaan geeyeen Gobolka Gedo ayaa ilaa shalay waday Ugaarsiga Dadka taageersan Jubbaland oo ay u horeeyaan Nabadoonada iyo Guud ahaan Odoyaal dhaqameedka.

Saciid Axmed Maxamed oo ka tirsan Shacabka Baledxaawo ayaa Puntlandi usheegay in Ciidamadu ay si arxan daro ah ula dhaqmayaan Shacabka aan taageersanayn Maamulka Farmaajo, waxaana lagu shaabadeynayaa Qofkii aan taageersanayn Farmaajo inuu yahay Al-shabaab.

Wuxuu kaloo sheegey in dhib xoogan lagu hayo Beelo gaara, Ciidamada waxaa wata ama la socda Dad Deegaanka ah oo Dadka kala yaqaan , dhibkaan horay waa u jiray hadase maalmahaan waxaa socda wax aan loo dulqaadan karin, Dhalinyarada waa la jir filayaa si ay u hadlaan, ayuu yiri Axmed

Beelaha ay kasoo jeedaan Madaxda Jubbaland ee Reer Gedo ayaa si gaara loo ugaarsanayaa, waxaana howlgal cusub oo ay Ciidamadu bilaabeen maalmihii lasoo dhaafay.

Puntlandi.com Muqdisho

8308F453-882E-44F9-A03B-0B982A7E9497.jpe

The post Ciidamada Lageeyay Gedo oo bilaabay ugaarsiga taageerayaasha Jubbaland appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this