Deeq A. Posted March 23, 2021 Waxaa saacadaha soo socda Teendhada Afisiyooni ka Furmi doona Maalintii labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Shirkan oo shalay si hor dhac ah u bilawday ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Gobaleedyada dalka . Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble , Madaxweeynayaasha Dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur galbeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa kulama hor dhac ah yeeshay xilli ay ka maqnaayeen Madaxda dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland . Kulanka ka dhacaya Afisiyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Xubnaha Beesha Caalamka iyo Taliska ciidamada AMISOM . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites