Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Wasiir saxaafadda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugidda Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   
Timacaddee.png?resize=500%2C332&ssl=1

Wasiirka warfaafinta u qaabilsan xukuumadda Puntland, oo xalay qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa suxufiyiinta ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugidda Amniga.

Wasaaradda warfaafinta Dawladda Puntland waxay guud ahaan bahda warbaahinta Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga” ayuu yiri wasiir Timacadde.

Baaqa wasiirka ayaa u muuqda wax lagu qoslo, maadaama ilaalinta Amniga Puntland ay u xil-saaran yihiin laamaha kala duwan ee ciidamada dowladda, islamarkaana aysan shaqo saxaafadeed ahayn.

Hadalka Timacadde ayaa ku soo beegmay, iyadoo xukuumadda madaxweyne Deni ay cadaadis xooggan ku hayso warbaahinta madaxa-bannaan, qaarkoodna mudda xabsiyo lagu hayay.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Wasiir saxaafadda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugidda Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this