Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Qoor Qoor oo khilaaf xooggan kadib Xalane lagu kulansiiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Qoor-qoor-iyo-Deni.jpg?resize=1000%2C667

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, ayaa isu’ soo dhowaansho ka muujiyay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay muddooyinkii dambe.

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, oo laga soo doorto Puntland iyo Galmudug, ayaa labada mas’uul oo aan mudda wada-hadlin ku kulansiiyay hotel ku yaalla xarunta Xalane, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Labada madaxweyne waxay isaga cudur-daareen mudadii ay kala maqnaayeen, waxaana la isla gartay in laga wada-shaqeeyo danaha iyo iskaashiga labada dowladood islamarkaana la xoojiyo wada-shaqaynta Puntland iyo Galmudug” ayuu Puntland post u sheegay mas’uul ka tirsan Puntland.

Sidoo kale waxay ka wada-hadleen xallinta muranka Arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna qabsoomidda Shirka Afisyooni, taas oo labada madaxweyne ay door muuqda kaga jiraan sidii loo hirgelin lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo nabdoon.”

Waxa xusid mudan, in khilaafka Deni iyo Qoor Qoor uu ka dhashay hadal-jeedintii madaxweynaha Puntland ee 21 February 2021, taas oo uu dhibsaday madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Qoor Qoor oo khilaaf xooggan kadib Xalane lagu kulansiiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this