Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ka niyad jabay Heshiis Turkigu ka baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray ka-bixitaanka Turkey ee heshiis caalami ah oo looga gol leeyahay in looga hortago rabshadaha ka dhanka ah haweenka mid si aad ah looga niyad jabo.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay in ka bixitaanka Turkey ee Axdiga Istanbul uu ahaa mid deg deg ah oo aan loo qiil dayin.

Tani waa tallaabo qalbi jab leh oo dib loo qaaday oo ku aadan dhaq-dhaqaaq caalamiga ah oo lagu soo geba-gebeynayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka,” ayuu yiri Biden.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa soo geba-gebeeyey ka mid ahaanshaha Turkey ee heshiiska Golaha Yurub kadib warqad uu soo saaray Sabtidii.

Turkey ayaa aheyd dalkii ugu horreeyey ee saxiixay Axdiga Istanbul, oo sita magaca magaalada ugu weyn dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ka niyad jabay Heshiis Turkigu ka baxay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this